U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Ee QM Oo Mar Kale Ku Baaqay In Ciidamo La Geeyo Koonfurta Sudan

Sheeko:Dalka

Golaha Ammaanka ee QM ayaa ku baaqay mar kale in si dedeg ah loo geeyo ciidamo Nabad ilaalin ah wadanka Koonfurta Sudan, halka ay ka dalbatay Koonfurta Suudaan dowladaha xubinta ka ah ururka si hoos loogu dhigo dhibaatooyinka ka jira wadankaasi.

Madaxa golaha ammaka ee QM oo shalay ka hadlay kulan wada tashi ah oo albaabada ay u xiranyihiin ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in sid degdeg ah loo geyn doono Suudaanta Koonfureed ciidamo nabad ilaalin ah.

Kadib dagaallo u dhaxeeyay dowladda Koonfura Suudaan iyo kooxaha fallaagada ah bishii July ee sanadkii 2016-kii ayaa waxa uu go’aansaday golaha ammaanka in la geeyo waddanka 4-kun oo ciidamo nabad ilaalin ah oo dheeriya ,halka ay horay u joogeen 13-kun oo askari kuwaas oo raacsanaa xoogagga nabad ilaalinta Qaramada Midoobay  oo joogay wadanka suudanka Koonfureed .

Sidoo kale golaha ammanka ayaa ku baaqay in la soo nooleeyo howsha siyaasadda guud oo ka dhalata Suudaanta Koonfureed taasoo looga golleeyahay in lagu soo afjaro dagaalka sokeeye oo ka socday muddo 3 sano ah waddankaasi .

Safiirka dowladda Sweden ayaa waxa uu tilamaamay in golaha ammaka uu ka walaacsanyahy inuu dagaalka ka sii socdo wadanka Koonfurta Suudaan isagoo sheegay in dagaalka uu caqabad ku yahay in dadka dhibaataysan ee ku nool Koonfurta Suudaan la gaarsiiyo kaalmooyin bini’aadannimo.

Dhinaca kale qaar kamid ah waddamadda qaaradda Afrika sida Rwanda iyo Itoobiya waxa ay sheegeen inay diyaar uyihiin ciidamo ay u diraan Koonfurta Suudaan si ay qayb uga noqdaan xoogagga nabad ilaalinta, halka ay Kenya ay sheegaty inay arrinta dirista ciidamda ay kala hadli doonto Qaramada Midoobay .

Wadanka Suudaanta Koonfureed ayaa waxa uu noqday dowlad ka madax bannaan Suudaanta kale sanadkii 2011-kii balse sanadkii 2013-kii ayaa waxaa ka bilowday dagaal sokeeye oo sababay dhimashada tobanaan kun  oo qof halka ay barakaceen in ka badan 2.5 malyan  iyadoo goobjoog unoqotay koonfurta suudaan dhaleecemo la xariira inay ka dheceen xasuuqyo

Goobjoog News