U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Walaac Ka Muujiyey Dib u Dhaca Doorashooyinka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa walaac ka muujiyey dib u dhaca ku yimid doorashada ka dhacaysa Soomaaliya, golaha ammaanka ayaa ku booriyey dowladda Soomaaliya inay qabato doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha waqtiga cusub oo ay u qabteen iyadoo aan dib looga dhacayn.

Golaha ammaanka ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay dib u dhaca ku yimid doorashada waqtigii hore ee loo qabtay waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan fulinta waqitga loo qabtay doorashooyinka iyadoo aan mar kale dib looga dhacayn sida lagu sheegay wax ka soo baxay golaha ammaanka.

Doorashooyinka qaran ayaa lagu waday inay ka qabsoomaan dalka sanadkan laakiin dowladda Soomaaliya ayaa go’aansatay in waqtigii hore xoogaa dib looga dhaco si doorashadu ay ugu dhacdo qaab wanaagsan iyadoo hadda aysan muuqan in dadka caadiga ah aysan codkooda dhiiban karin.

Guddiga doorashooyinka ayaa dhawaan ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada madaxweynaha illaa 30 october iyadoo guud ahaan doorashooyinka la rabay inay dhacaan bishan august.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in baahi loo qabo sidii loo sii wadi lahaa maamul wanaagsan oo hana-qaada iyo geeddi socod doorasho oo loo dhan yahay kaasoo dhaca 2016ka iyadoo taasi ay noqonayso waddo lagu gaaro doorasho u dhacda sida caalamka ay isku doortaan oo kale.

Safiirka dowladda ingiriiska u fadhiya qaramada midoobay Matthew Rycroft,kaasoo isagu soo jeediyey baaqaan ayaa yiri” waa muhiim in golaha ammaanku uu ka midoobo arrintan.

“waxaan ka niyad xunnahayin doorashooyinka dib loo dhigo ayuu yiri safiirka ingiriiska isagoo intaas ku sii daray inay muhiim tahay in waqtiga cusub ee hadda doorashooyinka loo qabtay aysan dib uga sii dhicin si ayuu yiri loo gaaro doorasho qof iyo cod ah taasoo dalka ka dhacda sanadkuu maruu yahay 2020ka.

Golaha baarlamaanka ayaa waxaa soo xuli doona odayaal dhaqameedyo iyadoo maamulada dalka ay soo dooran doonaan wakiiladooda ka midka noqonaya aqalka saree e cusub, labada aqal ee baarlamaankuna waxay cod u qaadi doonaan madaxwynaha.

Madaxweynaha hadda talada haya Hassan Sheikh Mohamud ayaa bilaabay olole uu ku doonayo inuu markii labaad helo kursiga madaxtinimada ee hadda ka sii dhamaanaya.

Dalka Soomaaliya ayaa dagaallo ku jiray tan iyo sanadkii 1991dii markii hoggaamiye kooxeedyo hubeysan ay afgambiyeen dowladdii dhexe ee Soomaaliya taasoo uu madaxweynaha ka ahaa allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Goobjoog News