U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Baaq Nabadeed u Diray Madaxda Koonfurta Sudan

Sheeko:Dalka

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dhinacyadda ku dagaalamaya dalka koofurta Sudan in si degdeg ah ay ku joojiyaan colaadda.

Kulan degdeg ah oo ay goluhu isugu yimaadeen ayeey ku muujiyeen walaac iyo niyad jab dagaalka dib uga soo dhex cusboobaaday ciidamada ay kala hoggaamiyaan madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan Salva Kiir iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Riek Machar.

Golaha Ammaanka ayaa soojeediyey in ciidamo dheeraad ah oo nabad ilaalinta ka shaqeeya dalkaa la geeyo si loo ilaaliyo dadka shacabka ah.

Boqolaal ruux ayaa ku geeriyootay iska hor imaadyo dhexmarayey ilaalada Labada hoggaamiye, taas oo abuurtay walaac hor leh.

Ciidamo daacad u ah madaxweyne ku xigeenka dalka Suudaanta Koonfureed Riek Machar ayaa lagu eedeeyey in ay weerareen goobo ay daganaayeen ciidamada madaxweynaha dalkaa daacada u ah.

Afhayeen u hadlay dhinaca Mudane Machar waxa uu sheegay in dalku uu dib ugu laabtay dagaalkii isaga oo ku eedeeyey ciidamada Madaxweynaha in ay weerareen ciidamada Madaxweyne ku xigeenka, balse wasiirka warfaafinta dalkaa Michael Makuei Lueth ayaa arrinta mucaaradkii hore kasoo yeertay ku tilmaamay daacad darro.

Xaaladda colaadeed ee dalkaa Koonfurta Sudan ka taagan ayaa xoogaa la xakameeyey Sabtidii kadib dagaalkii billawday Jimcihii in kastoo dagaalku uu dib u bilaawday maalintii Axadda oo shalay aheyd.

Howlgalka Qaramada Midoobay ee dalkaa ayaa sheegey in boqalaal dad ah oo ammaan raadis ah ay ku soo yaaceen xerooyinkooda si ay naftoota uga bad baadshaan rabshadaha socda.

Saraakiil u hadshay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in nabad ilaaliye u dhashay dalka Shiinaha la dilay halka kuwa kale oo u dhashay dalka Rwanda lagu dhaawacay dagaalkii Juba ka dhacay.

War isna laga soo saaray wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado uu ahaa dagaalkii mar kale dalkaa ka dilaacay, waxaana war-saxaafadeedka lagu yiri ’ tani niyad jab ayey ku rideysa muwaadiniinta dalkaa oo rajo wanaagsan ka qabay xal waara oo dalkaa laga gaaro mushaakilkiisa’’.

Afhayeenka wasaraadda Arrimaha dibadda Mareykanka John Kirby ayaa ku amray muwaadiniinta Mareykanka ah in ay dalkaa si degdeg ah uga baxaan haddii aysan arrin muhiim ah heyn.

Goobjoog News