U bood dhigaalka

Golaha ammaanka oo cambaareeyay sharci ay meel marisay xukuumadda Soomaaliya

Sheeko:War
golaga ammanka
Golaha ammaanka ee QM

Golaha ammaanka qaramada midoobay ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku dhiira galiyay in si qaldan loo isticmaalo sharciga ka hor taga waxa reer galbeedka ugu yeeraan argagaxisada oo golaha wasiirada xukuumadda ay meel mariyeen.

Baaqa golaha ammaanka ayaa lagu sheegay in sharcigaasi aan loo baahnayn in meel ku dhac uu ku noqdo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Golaha ammaanka ayaa go’aankan soo saaray markii fadhi ay ku yeesheen magaalada New York oo ay ku jeex jeexeen warbixin ka hadlaysay ammaanka magaalada Muqdisho oo uu gudbiyay wakiilka QM ee Soomaaliya Niclos Kay.

Waxa ay ku cambaareeyeen fadhigooda golahu weerarkii todobaadkii tagay xarakada Al-Shabaab ay ka fulisay xarunta dalka loogu arrimiyo ee Villa Soomaaliya.

In dowladda federaalka Soomaaliya laga taageero dhismaha ciidanka ayaa ka qayb ahaa qodobada uu isku raacay golaha ammaanka.

Tallaabooyinka xarakada Al-Shabaab waa kuwo qatar ku ah ammaanka gobolka iyo caalamka ayay ku sheegeen shirka magaalada New York ay ku yeesheen xubnaha golaha ammaanka.

Wararka Goobjoog news