U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Cusbooneysiinaya Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Sheeko:Amniga

Golaha Ammaanka Qaramada midobay ayaa maanta oo Isniin ah la filaya in ay kulan looga hadlayo xaaladda Soomaaliya ay  ku yeeshaan magaalada New York ee dalka mareykanka

Kulanka ayaa diiradda lagu saari doona marxaladda kala guurka ay ku jirto dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale howl galka Midawga Nabad Ilaalinta Afrika ee AMISOM.

Golaha ayaa maanta la filaya in ay dib u cusbooneysiiyaan howl galka midawga Afrika ee Soomaaliya, maadama uu dhacay waqtigoodi joogi taanka gudaha Soomaaliya .

AMISOM ayaa fadhiga maanta ay yeelanayaan Golaha Ammaanka waxa loogu dari doona mudda Hal sano ah oo ay ku sii joogayaan Soomaaliya .

Howl galka midawga Afrika Soomaaliya ee AMISOM ayaa muddo 10 sano ka badan ka socda Soomaaliya , iyadoo AMISOM ay dowladda Soomaaliya ka caawineyso Ammaanka dalka .