U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka oo Isku Raacay inu Lagu Noqdo Heshiiskii September 17

Sheeko:Amniga

Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa ka dooday arrimaha Soomaaliya gaar ahaan muddo kordhinta uu sameysay Farmaajo.

Fadhiga aan rasmiga aheyn ee talaadadii uu golaha ammaanka ka sheegay arrimaha Soomaaliya ayey soo jeediyeen in loo baahanyahay in dib loogu noqdo heshiiskii September 17.

Inta badan xubnaha haddalada ka jeediyey golaha ee matalayey 15-ka dal ee golaha ayaa u badnaa qodobbdo ay ka mid yihiin (1). In loogu baaqo DF iyo DG iney wada hadal bilaabaan (2). In dib loogu noqdo hirgelinta heshiiskii September 17 (3). In la saxiixo war murtiyeedkii Baydhabo iyo arrimo kale oo amniga ay ku jiraan.

Hadalka UNSC ayaa imaanaya kadib markii baaqyo sidaa la mid ah ay horay u jeediyeen Yurub, Mareykanka, Afrika iyo guud ahaan beesha caalamka.

Lama oga sida uu u aqbali doono, madaxweynihii hore oo isaga oo 12-kii bishan si iskiis ah 2 sano ugu dhufsaday.

Goobjoog News