U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Ka Shiraya Xaaladda Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Golaha Ammaanka Qaramada midoobay ayaa maanta kulan ka yeelaaya xaaladda Soomaaliya, iyagoo golaha ka hadli doono arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka .

Qaramada midoobay ayaa maanta kulankooda uga doodaya xaaladda doorashooyinka Soomaaliya iyo  Arrimaha bini aadanimada, waxaana warbixino laga dhageysan doonna Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira.

Shirkan ayaa si toos ah looga baahin doonna baraha bulshada ay ku xiriito , isagoo furmaya shirka 5-ta Galabnimo xilliga geeska Afrika .

Sikastaba kulanka golaha Ammaanka qaramada midoobay ayaa ku soo aadaya xilli maalintii afaraad Afisyooni shirka doorashooyinka uu uga socdo madaxda dowladda federaalka iyo hogaamiyayaasha maamul gobaleedyada .

Goobjoog News