U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Ka Soo Horjeestay, Kana Xumaadey Ceyrinta Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa qoraal uu sabti soo saaray aad uga xumaadey in Soomaaliya ceyriso ergeyga qaramada midoobey Nicholas Haysom, iyaga oo intaasi ku daray inay Muqdisho ka filayaan wada-shaqeyn.

Qoraalka waxaa lagu ammaanay diblomaasiga muddada dheer u shaqeneyney qaramada midoobey, waxaa kale oo hoosta laga xariiqay inay beesha caalamka ay Soomaaliya kala shaqeyn-doonaan soo celinta nabadda iyo degenaashiyaha, waxaa uu golaha filayaa inay wada shaqeyn fiican dhex marto Soomaaliya iyo UNka.

Inkasta oo ay ka soo horjeesteen ceyrinta Haysom hadana qaramada midoobey waxaa ay sheegtay inay badaleyso, si Soomaaliya cagaheeda isku taagto.

Golaha ammaanka waxaa uu sheegay in sanadkan 2019-ka uu yahay mid halis ah, iyaga oo ugu baaqay madaxda Soomaalida inay wada-shaqeeyaan.

Goobjoog News