U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka oo Ku Baaqay in Si Degdeg Ah Loo Qabto Doorasho Xor iyo Xalaal ah

Sheeko:Amniga

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa goordhow anisixyey qaraar lagu kordhinayo waqtiga joogista AMISOM iyaga oo sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo qabto doorasho qof iyo cod ah.

Golaha ayaa walaac ka muujiyey dib u dhaca ku yimid doorashada 2020/2021, iyaga oo ugu baaqay dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada in si degdeg ah loo qabto doorasho loo dhan yahay, oo xor iyo xalaal ah iyada oo lagu shaqeynayo heshiiskiiSep 17, 2020.

Farmaajo oo bil ka hor waqtigiisu dhammaaday, isla markaana raadinaya afar sano oo kale ayaa la sheegayaa in uu dib u dhigay doorashada isaga oo dhibaatada dusha uga tuuray.

Goobjoog News