U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Ku Baaqay In Dib Loo Furo Wada Hadallada Doorashada 2021

Sheeko:Amniga

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo war ka soo saaray xaaladda dalka si gaar ah arrimaha doorashooyinka oo muddooyinkii u danbeyay dib u dhacay ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wada hadallada doorashada .

Qoraal ka soo baxay Golaha Ammaanka QM ayaa lagu soo dhoweyay shir uu ku baaqay Madaxweeynihii waqtigu ka dhacay Farmaajo in todobaadka soo socda la isugu yimaado magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland .

QM ayaa sidoo kale Saamileeyda ay siyaasadda ka dhaxeeyso waxa ay ugu baaqday in ay dib u furaan wada hadalada xal looga gaarayo doorashada , lagana gudbo wax walba oo isku dhac keeni kara .

Kulanka oo ay shalay golaha guud ee amaanka QM yeesheen ayaa si aqlabiyad ah 15-ka xubnood ku ansixiyeen ajendaha , kadib codsi ka yimid  dowladda Ingiriiska, maalin kadib markii ay dhamaatay sharciyadda Villada ay madaxdii hore ku joogeen.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Mareykanka Ned Price ayaa ka digay in dib u dhaca ku yimid dejinta doorashada “ay kordhinayso oo kaliya halista xasilooni darada.”

“In kasta oo ay tani tahay arrin Soomaalida u baahan in la xalliyo, haddana Mareykanka wuxuu u arkaa in doorashooyinka deg-degga ah ay muhiim u yihiin mustaqbalka Soomaaliya. Is afgarad waa la gaari karaa, ”ayuu Price u sheegay Warbaahinta.

Golaha Amnigu ayaa sidoo kale wuxuu cambaareeyay rabshadaha ka soo cusboonaaday Ururka Al-shabaab waxayna mar kale xaqiijiyeen inay taageersan yihiin midnimada dhuleed ee Soomaaliya .

Golaha Amniga ayaa mar kale sheegay in ay kulmi doonaan  22-ka Febraayo si ay u cusbooneysiiyaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

GoobJoog News