U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka oo kulan ka yeelanayo Xaaladda Ukraine

Sheeko:Amniga

Golaha ammaanka qaramada Midoobay ayaa shaaciyay in ay kulan gaar ah ka yeelanayaan xaaladda dalka Ukraine, iyadoo uu weli socdo duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine.

Kulankan ayaa qabsoomaya 13-ka bisha January, taas oo looga arinsanayo xaaladda dalka Ukraine oo wajahaya colaado ku dhawaad sanad.

25 February 2022-ki dowladda Ruushka ayaa hawlgal ka dhan ah Ukraine ku qaaday Kyiv, waxaana tan iyo markaas Ukraine ay wajaheysa xaalad colaadeed oo daran.

Ambassador Kimihiro Ishikane oo ah guddomiyaha golaha ammaanka qaramada midoobay ayaa shaaciyay in kulankaas uu qabsoomayo dhawaan.

Goobjoog News