U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Maanta Cod-gelinaya Cunaqabateynta Saaran Eritrea

Sheeko:Dalka

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta lagu wadaa inuu cod u qaado cunaqabateynta saaran dalka Eritrea, arrintan oo timid kadib markii xiriirkooda caadi ku soo noqday dalka Itoobiya ayna iso soo dhowaadeen Djibouti.

Wararka waxaa ay sheegayaan in isniintii la isku afgartay qaar ay Ingiriiska soo geliyeen oo ku aadan qaadista cunaqabateynta, taas oo saarneyd ilaa 2009-kii.

Qaraarka si uu ansax u noqdo waa loo baahanyahay 9 cod iyo in aanu codka vetoes  adeegsan mid ka mid ah dalalka Mareykanka, Shiinaha, Ruushka, Ingiriiska iyo Faransiiska.

Cunaqabateynta la qaadayo waxaa ay kulmi-doontaa hubka, cunaqabateynta safarada, hantida la xayiray iyo arrimo kale.

Waxaa kale oo lagu baaqi-doonaa in la dhameeyo muranka waqti-dheer soo-jiitamayey ee Eritrea iyo Djibouti, kana wada shaqeeyaan is afgarad.

Goobjoog News