U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka oo Maanta Fadhi Degdeg ah Ka Leh Muddo Xileedka Dhammaaday ee Farmaajo

Sheeko:Amniga

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo talaado ah kulan ka yeelan doona xiisadda cusub iyo qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Kulankan oo ay codsatay dowladda Ingiriiska ayaa imaaneysa saacado kadib markii uu dhacay muddo xilkeedkii Farmaajo 8-dii bishan iyo iyada oo ay mucaaradka sheegeen in aaney sharci aheyn joogistiisa, oo aaney aqoonsaneyn

Wararka ayaa intaa ku daraya in kulanka uu albaabada u xiran yahay, isla markaana lagu lafa guri-doono xiisadda jira.

“Weli waxaa jira arrimo ay isugu iman karaan madaxda Soomaalida si ay gaaraan xal siyaasadeed oo badbaadin kara hay’adihii ay aadka ugu dadaaleen dhisiddooda,” ayuu afhayeenka UN-ka Stephane Dujarric.

Kulan oo loogu talogalay inuu dhaco 22-kii Febraayo, ka hor inta aan la cusbooneysiin howlgalka Midowga Afrika ee Amisom, kaasoo dhacaya 28-ka Febraayo ayaa hadda lasoo dedejiyey sababo la xiriira xal la’aanta doorashada iyo dhammaashiyaha waqtiga Farmaajo.

Farmaajo iyo hogaamiyaasha shanta maamul goboleed ee federaalka Soomaaliya waxay gaareen bishii Sebtember heshiis u gogol xaaraya in doorashada dadban ee baarlamaanka iyo madaxtinimada ay dhacdo dabayaaqada sannadka 2020 iyo horraanta 2021.

Goobjoog News