U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Muddo Kordhin U Sameeyay Howlgalka AMISOM

Sheeko:Amniga

Kulan ay isugu yimaadeen golaha ammaanka qaramada midoobay ayaa lagu ansixiyay in muddo kordhin loo sameeyo howlgalka midamga nabad ilaalinta Soomaaliya ee qaaradda Afrika ee AMISOM.

Kulankan oo ahaa kulankii 8939-aad ayaa lagu ansixiyay in seddax bilood loogu daro howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

“Iyada oo xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah nabadda iyo ammaanka caalamka, wuxuu Goluhu go’aansaday inuu u oggolaado in dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika inay sii wadaan hawlgalinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ilaa 31-ka Maarso 2022” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha ammaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda waddo qorshahii ay amniga guud ee dalka kala wareegi laheyd AMISOM oo in ka badan 10 sano dalka ku sugneyd.