U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Muddo Kordhin u Sameeyay Howlgalka AMISOM

Sheeko:Dalka

Golaha Ammanka ee  Qaramada Modoobay ayaa ugu kordhiyey mudo Labo Bil ah howlgalka ciidamada Midowga Afrika ay ku joogaan Soomaaliya si waqti ku filan ay ugu helaan xubnaha golaha ammaanka ka tirsan waqti ay ku qiimeeyaan natiijo  ka soo baxda

Qaraarkan cusub ayuu sheegay goluhu in uu hoosta ka xariiqayo muhiimaddaay leedaha wadatashiyo lala sameeyey dhinacyada  ku lugta leh how-galka Soomaaliya ka socda iyagoo u jeedinaya wadamada Midowga Afrika sii joogteynta ciidamada Soomaaliya loo dirayo illaa 8 July 2016.

Golaha ammanka ayaa sidoo kale ka codsaday Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon in uu sii wado taageerada farsamo ee la siinayo Soomaaliya sida ku cad qaraarka tirsigiisu yahay 2245 kaas oo soo baxay 2015.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa soo gaban gabeeyey booqasho hal maalin ah oo ay ku yimaadeen Soomaaliya si ay u muujiyaan bar bar istaaga ay la garab taagayihiin dowladda Soomaaliya iyo ahmiyadda ay leedahay in hanaanka doorasho ee dalku uu galayo 2016 Augusto in waqtigii loogu talo galay aysan dhaafin.

“Ammaanka Soomaaliya waa walaaca ugu weyn ee hadda taagan kaas oo ay qabaan wadamada gobolka iyo beesha caalamka waana taa sababta muhiimka ka dhigeysa in la meel mariyo qorshe sharci ah oo awooda la isugu wareejinayo” ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, oo la hadlay saxaafadda kadib booqashadii golaha ammaanka ee Muqdisho.

“Fariinta golaha ammanku waa ay cadahay adduunku waxa uu rabaa doorasho dhacada August 2016  waxaa aynu sameyn doonaa wax kasta oo arrintaa suuragal ka dhigi kara iyo in hanaanka doorasho uu noqdo mid xalaal iyo xor ah,” ayuu hadalkiisa kusii daray wakiilku.

Wafdiga golaha ammanka ee Muqdisho yimid waxaa hoggaaminayey madaxweynaha hadda ee golahaas , Amr Abdellatif Aboulatta oo u dhashay dalka Masar iyo wakiilka joogtada ah ee dalka Britain Matthew Rycroft.

Saraakiisha inta ay Soomaaliya joogeen waxay la kulmeen Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar, madaxda dowlad goboleeydada dalka, ururo dhanka gargaarka qaabilsan iyo xubno isugu jiray AU iyo UN.

Goobjoog News