U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Walaac Ka Muujiyay Xaaladda Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Shir deg deg ah oo ay golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa lagu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida in ay xal ka gaaraan khilaafka dhexdooda ah.

Kulankan ay yeesheen xubnaha joogtada ah ee golaha Ammaanka ayaa warbixin looga dhageystay Ergayga xoghayaha guud u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya .

Shirkan ayaa walaac looga muujiyay xaaladda Soomaaliya ka jirta hadda, iyadoo dhamaan daneeynayaasha ay ku baaqeen in la dhowro heshiisyadii doorashada ee la gaaray.

“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada inay ku xalliyaan khilaafaadkooda wada -hadal dan u ah Soomaaliya iyo inay mudnaanta koowaad siiyaan si nabadgelyo ah oo ay ku dheehan tahay doorashooyin hufan, lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay muddadii lagu heshiiyay iyo si waafaqsan heshiisyadii 17 -kii September iyo 27 -kii May,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Goobjoog News