U bood dhigaalka

Golaha ammaanka Oo Walaac Ka Muujiyey Xaaladda Ammaan Ee Jilicsan Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Golaha ammaanka ayaa sheegay iney aad uga walaacsan yihiin xaaladda ammaan ee aan cagaha badan ku taagneyn ee ka jirta Soomaaliya, goluhu wuxuu ku baaqay in horumar laga sameeyo dib u eegista dastuurka dalka islamarkaana la dhameystiro dhismaha maamul goboleedyada dalka.

Warbixin ay si wadajir ah usoo wada saareen madaxweynaha Soomaaliya iyo ergeyga qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in doorasho caddaalad ah oo loo dhan yahay oo ka dhacda Soomaaliya ay noqoneyso tillaabo taariiqi ah oo Soomaaliya ay qaaday waxayna aas-aas u noqon doontaa horumar laga gaaro dimuqraadiyadda iyo xasiloonida.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay wuxuu si weyn u taageeray xaafiiska wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya UNSOM waxaana goluhu sheegay in waqtiga doorashada aysan dib uga dhici doonin islamarkaana aysan jiri doonin waqti kordhin ku aaddan doorashada.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay wuxuu ku ammaanay madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya horumarka siyaasadeed ee dalku gaaray afartii sano ee tagtay gaar ahaan heshiiskii laga gaaray nuuca doorasho ee dalka ka qabsoomeysa taasoo ugu dambeyn gaarsiin doonta in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadku markuu yahay 2020ka.

Golaha ammaanku wuxuu cambaareyn u soo jeediyey weerarada xarakada Alshabab iyo carruurta ay kooxdaasi askareyso waxaana goluhu isla gartay muhiimadda ay leedahay in la sii wado weerarada ka dhanka ah xarakada Alshabab ee ay ku hayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda midowga Afrika.

Goobjoog News