U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka, Q.M Iyo IGAD Oo Cambaareeyay Qaraxii Zoobe

Sheeko:Dalka

Golaha ammaanka iyo xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa dhaleeceeyay qaraxii Zoobe ka dhacay 14-kii bishan, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo qof.

War saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo saareen waxaa lagu sheegay in fal kasta oo argigixiso ah aanu laheyn mar-marsiyo ujeed kasta oo laga leeyahay iyo cid kasta oo geysatayba.

“Xubnaha golaha ammaanka waxaa ay si tiiraanyo leh uga tacsiyeynayaan qoysaskii iyo dhibanayaashii, dowladda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen.

Guterres, xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey waxaa uu isna cambaareeyay qaraxa Zoobe isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan argigixisada.

Dhinaca kale, ururka goboleedka IGAD ayaa ka mid ahaa hey’adaha dhaleeceeyay qaraxa iyaga oo  ugu baaqay  beesha caalamka inay xoojiyaan sidii looga guuleysan lahaa argagaxisada iyadoo si gaar ah loogaga codsaday in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM laga saacido taakuleynta ay u baahan yihiin.

Goobjoog News