U bood dhigaalka

Golaha Ammanka Oo Digniin Ka Soo Saaray Dagaalka Itoobiya

Sheeko:Amniga

Golaha ammaanka qaramada midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda gobalka Tigray ayaa markale ka digay in ay sii kordhan tacadiyada iyo gabood fallada aan loo meel dayin ee ka socda gobalka dhaca waqooyiga dalka Itoobay ee Tigray.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen dhaaman  xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ayaa waxaa ka hadlay Madaxa arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay, Rosemary DiCarl kaas oo sheegay in ay yihiin wax aad looga xumaado dagaalada ka socda Itoobiya.

“Waxaa suurtagal ah in ay dhacaan iska hor imaadyo badan iyo in si deg deg deg ahi ay xaaladda ammaan u xumaato, arrintaa oo walaaceeda leh,” ayay tiri Rosemary DiCarlo.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in inkabadan 400,000 qof ay soo wajahday macluul aad u daran kadib markii ay dagaalada ka bilawdeen dalka Itoobiya.

Goobjoog News