U bood dhigaalka

Golaha Ammanka Oo Kordhiyay Cunaqabateynta Hubka Ee Soomaliya

Sheeko:Amniga

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa kordhiyay cunaqabateynta dhanka hubka ah ee saaran Soomaaliya tan iyo dagaaladi sokeeye.

War-ka soo baxay Golaha ammaanka ee qaramada mdioobay ayaa lagu sheegay in shalay oo Isniin aheyd golaha uu fadhi ka yeeshay cunaqabateynta dhanka hubka ah ee saaran Soomaaliya.

Cunaqabateynta ayaa lagu kordhiyay muddo sanad ah kadib markii 15-ka xubnood ee golaha Ammaanka ay 13 ka mid ah u codeeyeen in la kordhiyo halka laba kalena ay ka aamuseen.

Waxaana sidaas loogu kordhiyay hal sano oo horleh, taas oo la saaray cunaqabateynta dhinaca Hubka ah ee Soomaaliya.

Xayiradda dhanka hubka ah ee saaran dalka ayaa aheyn mid quseysa  Hubka, Qalabka Milliteriga, Talooyinka Farsamo, Dhaqaale iyo kuwa kale ee la xiriira Hawlaha Milliteriga ee loogu talagalay oo keliya horumarinta Ciiddanka Ammaanka Qaranka Somalia.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka in la dardargeliyo dhaqan gelinta Hab-dhismeedka Amniga Qaranka iyo Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.

Goobjoog News