U bood dhigaalka

Golaha Aqalka oo Ansixiyay Hindise Shatciyeedka Hey’adda Sirdoonka Qaranka

Sheeko:Amniga
Golaha aqaka sare ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa waxaa ay ku yeesheen raeuntooda magaalada Muqdisho, iyadoo uu shir guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha  Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyay Guddoomiye ku- xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde).
Kulanka ayaa waxaa ayaa ahaa  kalfadhiga labaad kulankiis 15-aad. waxaana looga hadlay ajendayaal dhowr ah oo golaha lasoo gaarsiiyay oo qeyb ka yihiin 1: Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
2. Akhrinta 3-aad iyo ansixinta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka.
Ugu horrayn Sanatarrada Golaha oo Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa ka dhagaystay akhrinta koowaad ee sharciga Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha , ayaa gudda galay akhrinta 3-aad ee sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, waxaana dood iyo soo jeedin sharciga Sanatarrada qaar ay ka qabeen la gudagalay ansixinta, 31-Sanatar ayaa ogolaaday meelmarinta sharciga, saddex Sanatar ayaa diiday halna waa ka aamusay.
Ugu danbayn Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, ayaa Sanatarrada golaga aqalka uga mahad celiyay meelmarinta sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo meesha ka saari doona tabashooyin iyo caqabado badan oo ku xeernaa shaqada Hay’adda, walow Senatorrada qaar oo kulanka ka hadlay ay sheegeen in sharciga ay ku jiraan awoodo badan sida uu warbaahinta u sheegay Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Goobjoog News