U bood dhigaalka

Golaha Deegaanka Gaalkacyo Oo Dhaliilay Duqa Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Golaha deegaanka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa dhaliil u jeediyay duqa magaaladaasi Bile Diini Cali, ka dib markii ay sheegeen in arrimo badan uu ku dhaqaaqay.

Cali Xuseen Cali oo ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ayaa sheegay in duqa Gaalkacyo uu ku takri falay awooddii iyo xasaanadii uu hayay, sidoo kalena uu shaqadii kahor istaagay golahaasi.

“Duqa magaalada waxa uu naga hor istaagay shaqadii aynu haynay, waxa uu isku dayay inuu awood inoo sheegto, waxaana uu ku xadgudbayaa awoodii la siiyay ee ahayd in bulshada ugu adeeggo” ayuu yiri Cali Xuseen.

Cali Xuseen ayaa sidoo kale ugu baaqay duqa magaalada Gaalkacyo inuu iska casilo xilkaasi, sababo uu ku sheegay in aanu sii hayn karin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale Goobjoog News ayaa xiriir la sameysay duqa magaalada Gaalkacyo Bile Diini Cali si ay eedeyntaasi wax uga weydiiso, hase ahaatee inooma suurta gelin, inaan qadka Taleefanka ku helno.

Goobjoog News