U bood dhigaalka

Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo daahfuray “Istaraatijiyadda Isbeddelka Koboc iyo Dhaqaale ee Soomaaliya”

Sheeko:Amniga

Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ah Gole La-talin kaasi oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageera dejinta iyo fulinta siyaasadaha dhaqaale iyo bulsho ayaa daahfuray Istaraatijiyadda Koboc iyo Dhaqaale ee Soomaaliya isaga oo kaashanaya Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo sidoo kale wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee u xilsaaran arrimaha dhaqaalaha iyo bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Dr. Cali Ciise oo furitaanka munaasabadda ka hadlay ayaa si diirran u soo dhaweeyay wasiirrada, xubnaha baarlamaanka, masuusiliyiinta sare ee Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday ganacsatada, bahda waxbarashada, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha caalamiga ah. Guddoomiyaha ayaa faahfaahiyay Istaraatijiyadda oo ka kooban saddex Tiir oo kala ah:

horumar waara oo loo dhan yahay; amniga cuntada, la-qabsiga isbeddelka cimilada iyo dhisidda awoodda adkaysiga, iyo horumarinta dhaqaalaha badda ee Soomaaliya.

Waxa uu xusay in bilaha soo socda Golaha Dhaqaalaha Qaranku uu diyaarin doono daraasadaha Istaraatijiyaddu ka kooban tahay iyada oo la kaashanayo Guddi-Hoosaad ka kooban Wasaaradaha ay khusayso kuwaasi oo qaybtooda ka qaadan doona hagidda diyaarinta Hiigsiga Istaraatjiyadda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Istaraatjiyadda Isbeddelka Koboc iyo Dhaqaale ee Soomaaliya ay tahay mid ballaaran oo taabanaysa dhinacyo badan iyada oo yoolkeedu yahay in la helo dal barwaaqaysan, amni ah, dimuqraaddi ah oo loo dhan yahay, tayada nolosha dadkiisuna ay sarrayso.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inaan keliya xoogga la saarin xaaladda kala-guurka siyaasadeed balse muhiimad gaar ah la siiyo siyaasadaha dhaqaalaha iyo bulshada.

Sidaasi si lamid ah, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Baadiyow) oo ah aqoonyahan iyo qoraa Soomaaliyeed iyo Mudane Andy Kotikula oo ka socday Bangiga Adduunka oo labadooduba ka hadlay furitaanka munaasabadda ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in isbeddel dhaqaale laga hirgeliyo Soomaaliya iyaga oo bogaadiyay dadaallada Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee ku aaddan dib u soo kabadashada dhaqaale ee Soomaaliya iyada oo loo marayo dejinta qorshayaal wax-ku-ool ah.

Mudane Khaliif Cabdi Cumar, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo si rasmi ah u furay munaasabadda Daahfurka Istaraatijiyadda Koboc iyo Dhaqaale ee Soomaaliya ayaa yiri “Waxa aan rajaynayaa in diyaarinta Istaraatijiyadda Isbeddelka Koboca iyo Dhaqaaluhu ay xoojin doonto awoodda ay labada heer ee dowladddu u leeyihiin inay taageeraan horumarka waxsoosaarka Soomaaliya iyada oo la suurtagelinayo hannaan keeni kara in la gaaro koboc dhaqaale oo loo dhan yahay iyo abuuridda fursado shaqo oo cusub.”

Intaas ka dib, waxa la gudagalay doodaha iyo falanqaynta ku aaddan saddexda mawduuc ee ay Istaraatijyaddu ka kooban tahay oo kala ah Horumarka Dhaqaale ee Waara, La-qabsiga Isbeddelka Cimilada iyo Dhisidda Awoodda Adkaysiga, iyo Dhaqaalaha Badda ee Soomaaliya. Ka-qaybgalayaasha munaasabadda ayaa iyana soo gudbiyay su’aalaha ay qabaan iyo aragtidooda la xiriirta mawaadiicda Istaraatjiyadda.

Munaasabadda oo ay ka soo qayb-galeen marti ka badan 100 qof ayaa waxa goobjoog ka aha Mudane Khalif Cabdi Cumar, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Cabdi Sheekh Axmed, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknaloojiyadda, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Badda, Mudane Cabdullaahi Sheekh, Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda, Mudane Mahad Maxamed Xasan, Wasiir-xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan, Agaasimaha Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha kuwaasi oo dhammaantood ka qayb-galay doodaha.

Gebogebadii, Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa dhammaan martida uga mahadceliyay ka soo qayb-galka munaasabadda iyo talooyinka waxgalka ah ee ay la wadaageen Golaha, isaga oo ballanqaaday in hannaanka diyaarinta Istaraatijiyaddu ay noqon doonto mid laga wada qayb-qaato oo ku salaysan wada-xaajood iyo wada-tashi ay u dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyarada, qurbajoogta iyo bulshada rayidka ah si istaraatjiyaddu u noqoto mid la wada leeyahay.