U bood dhigaalka

Golaha Isbedel Doonka Jubbaland iyo Madaxweyne Madoobe oo Heshiis Rasmi ah Gaaray

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo gaban gaboobay wadahadallo u socday madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo golaha la magac baxay isbadal doonka Jubbaland oo ay hoggaaminayeen Cabdirashiid Xidid iyo Cabdi naasir Seeraar oo dhaliilsanaa doorashadii madaxwene Madoobe.

Qoraal siwadajir ah ay soo saareen labada dhinac ayaa lagu sheegay in golaha markii ay arkeen duruufaha adag ay ku sugan tahay dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay u tanaasuleen shacabka waxaana si buuxda ay u taageereen doorashadii madaxweyne ee  dhacday bishii August 2019-ka lagu doortay  Axmed  Madoobe labada dhinac ayaana garay maanta heshiis rasmi ah oo lagu soo afjarayo siyaasadihii isdiidanaa ee muddo ka dhex jiray  labada dhinac.

Labada dhinac ayaa heeshiska ka dib baaq u diray dowladda federaalka Soomaaliya,Amisom, Beesha caalamka, iyo saaxiibada daneeyo arrimaha Soomaaliya in ay taageeraan heshiiska ay maanta wada gaareen golaha isbedel doonka Jubbaland iyo dowlad goboleedka uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaaam  Madoobe.

Heshiiska maanta ay gaareen golaha isbedel doonka Jubbaland iyo madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ku soo aadaya iyadoo uu jiiro khilaaf gaaray halkii ugu sareeyey oo u dhaxeeyo dowladda federaalka iyo Jubbaland oo ka dhashay doorashadii lagu doortay madaxweyne Madoobe  kaas oo wasaaradda arrimaha gudaha ay sheegtay in aysan aqoosaneen maadaama aysan waafaqsanen rabraacii wasaaradda ay u dejisay in ay u dhacdo doorashada.

                                                                                Halkaan ka Akhriso

 

Image may contain: text

No photo description available.

No photo description available.

Goobjoog News