Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu waxay codkooda  ku biirinayaan baaqa  Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee ku aadan fatahaada wabiga Shabeele oo saamayn bani’aadanimo ku  eelatey deegaamo badan oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Fatahaada wabigu waxay waxyeelo ba’an u geysatey dhamaan adeegyadii asaasiga ahaa             iyo  Kaabayaashii nolosha dadku ku tiirsanayd ee ka jirey deegaamadaas sida hoygoodii, kaydii  raashinka iyo  daawooyinka,  dalagii  beeraha,  ceelal biyoodkii,  Musqulihii,  Iskuuladii rugihii caafimaadka,  wadooyinkii  iyo  buundooyinkii islamarkaana waxay  fatahaadu  dhalisay barakaca in  ka  badan  15 kun  oo  qoys oo  markii  horeba  ku  jirey  xaalado adag oo  bani’aadanimo.
Warbixinaha hordhaca ah ee ka imanaya deegaamada Dowlad  Goboleedka Hirshabeele ee  Fatahaada wabigu saamaysay waxay muujinaysaa in ay jiraan xanuuno ka dhashey nadaafad  Iyo biyo xumaanta baahsan ee ka jirta meelaha barakacayaashu isugu tageen,  waxana jirta  cabsi weyn oo laga qabo in ay dilaacaan xanuunada faafa taas oo hadii aan laga hortagin ay adkaan karto in la xakameeyo.
Sidoo  kale  gabaabsi  ayaa  ka  jira xaga cuntada  iyo  daawooyinka taas muunjinaysa  bilowga  nafaqo daro hordhac ah oo soo           wajahaysa caruuta ka yar shanta sano iyo dadka               wayeelka ah taas oo hadii aan tilaabooyin dedega oo bani’aadanimo laga qaadin horseedi karta macaluul baahsan oo dad badani ku nafwaayaan.
Sidaas Darteed  Iskaashiga  Dowlad  Goboleedyadu  waxay  ugu  Baaqayaan  Xukuumada Jamhuriyadda             Federalka  Soomaaliyeed,  Ganacsatada,  Soomaaliyeed,  Qurba     Joogta Soomaalieed, Culuma’udiinka Soomaaliyeed,    Hay’adaha Samafalka, UN iyo Deeq Bixiyaasha in  ay  gurmad  degdega oo bani’aadanimo lala  gaaro  dadka  ku  nool  Dowlad  Goboleedka      Hirhabelle ee   waxyaalada ba’ani ka soo gartey fatahaada Wabiga Shabelle.
Goobjoog News