U bood dhigaalka

Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Oo Eedeyn u Jeediyey Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Qoraal kasoo baxay golaha iskaashiga maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa lagu eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dhanka kale looga hadlay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn golaha ayaa tacsi ka diray dadkii ku dhintay qaraxii Zoobe, waxaana uu sheegay golaha iney muuqato in weli aanay cidna mas’uuliyaddeeda qaadan wixii dhacay.

Xukuumadda ayaa lagu eedeeyay in weli ay ka mashquulsan tahay arrimaha amniga, kuna mashquulsan tahay sidii dadka iyo dalka lagu sii kala fogeyn lahaa waa sida qoraalka ku xusane.

Sidoo kale golahan ayaa sheegay iney walaac ka qabaan qorshaha xukuumadda oo ay sheegeen in miisaaniyaddii amniga iyo tii dowlad gobleedyada loogu talogalay ugu leexisay arrimo siyaasadeed.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka:

Goobjoog News

Sax