U bood dhigaalka

Golaha Koongareeska Mareykanka oo Ka Horyimid Codka Diidmada Qayaxan Ee Trump Dul-Dhigay Miisaaniyadda Difaaca

Sheeko:Dalka

Koongareeska Mareykanka ayaa laalay codka  diidmada qayaxan ee madaxweyne Donald Trump uu dul dhigay hindise sharciyeedka dhaqaalaha ku baxa gaashaandhigga dalkaas, waana markii ugu horeysay ee uu madaxweeynaha tan iyo muddaxtinimada markii uu la wareegay .

Golaha Senate-ka uu maamulo xisbiga  Jamhuuriga ayaa qabtay kalfadhi aan caadi aheyn  Jimacadii la soo dhaafey ee Sanadka uu cusbaa ,middaas oo ay Aqalka Wakiillada horay ugu soo codeeyeen.

Hindisa sharciyeedka oo gaaraya lacag dhan $ 740bn (£ 549bn), ayaa Waxaana lagu maal gelinaya siyaasadda wasaaradda gaashaandhigga sanadka soo socda .

Madaxweeynaha Bishan Aqalka Cad baneynaya ee Trump, ayaa ka soo horjeeystay qodoba ka mid ah Hinda sharciyeedka .

Golaha Guurtida ayaa waxaa codeeyay 81- ka mid ah  hindise sharciyeedka loo soo gaabiyay (NDAA) halka 13 ay diideen, iyadoo saddex meelood oo meel loo baahnaa inay meelmariyaan hindise sharciyeedkaasi si loo laalo codka diidmada qayaxan ee Madaxweynaha.

Sikastaba diididda ayaa Waxay ku soo beegmaysaa laba maalmood uun ka hor inta aan la dhaarin Congress-ka cusub ee Mareykanka.