U bood dhigaalka

Golaha Mursal oo Ka Doodaya Mooshin Doorasho Xilli Mucaaradka Ka Digayo

Sheeko:Amniga

Golaha shacabka waqtigiisu dhammaaday ayaa maanta la hor geynayaa mooshin looga doodayo doorashada qaranka iyo ismariwaaga taagan.

Farriin xalay loo diray xildhibaannada ayaa lagu sheegay sidan:

 

M.ne Xil Beri oo Isniinah oo ay Tar 12 April, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka.
Agendaha
1. Ka doodista Mooshin ku sahabsan Doorashooyinka Qaranka

Saacadu waa 09:00 subaxnimo
Musharax madaxweyne Sheekh Shariif oo la hadlay saxaafadda waxyar kadib markii farriinta la diray ayaa sheegay in aan la aqbali karin wax muddo kordhin ah isaga oo intaa ku daray in gogoasha Afisyooni ay weli fidsan tahay, waxaa uuna Farmaajo kula taliyey inuu kusoo laabto wada hadalada doorashada.
Beesha caalamka qoraal ay soo saartay ayaa lagu sheegay in aaney aqbali doonin doorasho hal dhinac ah, isbarbar socda ama qalalaaso.
Goobjoog News