U bood dhigaalka

Golaha Mursal oo Kulmaya Xilli Cabsi Laga Muujinayo Ajendaha

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta oo Arbaca ah xarunta Villa Hargeysa la filaya in uu ka furmo Fadhi ay yeelanayaan xildhibaanada Golaha shacabka BJFS.

Xildhibaanada oo xalay loo diray fariin ku aaddan in ay soo xadiraan fadhiga Maanta ayaa loo sheegay in looga hadlayo Ajendayaal ay ka mid yihiin :-

1: Covid-19

2. U Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga M/B ee Xuduudaha

3. U Codeyn Sharciga Qaxootiga Qaranka.
Ajendaha shirka maanta ayaa waxaa horay cabsi uga muujiyay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Madasha Badbaado Qaran.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa horay u sheegay in Ajendaha uu ku hoos qarsan yahay qorsha Mudda Kordhin ah oo ay Xukuumadda wadato.
Waxaana Xarunta shirka uu ka dhacayo ka socda saakay diyaar garowgii ugu dambayey ee shirka u furmaya Xildhibaanada .