U bood dhigaalka

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika Oo Ansixiyay In Soomaaliya La Keeno Ciidamo Isku Dhaf Ah

Sheeko:Amniga

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ansixiyay in la keeno ciidamo isku dhaf ah oo beddela AMISOM dhammaadka sannadka inkasta oo Soomaaliya ay ka soo horjeedo soo jeedintaas.

Goluhu wuxaa uu ku sheegay war -murtiyeedkii soo baxay axaddii inay isku raaceen ikhtiyaarka 1-aad, ee ka mid mid ah soojeedintii ay soo saareen guddi Khubaro Madaxbannaan bishii Luulyo.

Goluhu wuxuu go’aansaday inuu ‘ in la dhiso Hawlgalka Xasilinta Ballaadhan ee ee ay qeyb ka wada yihiin Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, oo la hoos geeyo Cutubka VII ee axdiga Qaramada Midoobay, “ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka qayb ahaan.

Ururka Midowga Afrika, waxaa uu sidoo kale sheegayaa in qaab-dhismeedka isku-dhafan uu lagama maarmaan u yahay helidda maalgelin joogta ah, oo la saadaalin karo iyo hawgal waari kara mustaqbalka, lana marayo qiimeynta qaramada midoobey.

Dhankeeda, dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay iney kasoo horjeedo qorshahan iyada oo intaas raacisay in aan lagala tashan.

Qorshahan oo u baahan meelmarinta golaha ammaanka ayaa la ogeyn sida ay Soomaaliya ka yeeli doonto haddii uu aqbalo golaha ugu awoodda badan caalamka.