U bood dhigaalka

Golaha Nabadda Iyo Midnimada “Dowladda Iyo IGAD Waxay Ka Gaabiyeen Fulinta Heshiiskii Goobweyn” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

cABDI sHIREGolaha Nabadda iyo Midnimada deegaanada Jubba ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Gobaleed IGAD ku eedeeyay in aysan waxba ka hirgalin Heshiiskii ka dhacay deegaanka Goobweyne ee gobalka Jubada Hoose.

Dr Cabdi Shire Warsame oo ah xubin ka mid ah golahaan oo u waramay Barnaamijka Maxaa Lagu Heshiiyay ee ka baxa Goobjoog ayaa sheegay in ilaa hadda aan la fulin Qodob ka mid ah Afartoo Qodob ee lagu heshiiyay.

Heshiiskaan oo ka dhacay deegaanka Goobweyn ayaa dhacay 27-kii August ee sanadkaan, waxaana uu ahaa mid sedax dhinac ah, kaa oo ay wada gaareen Garabka Barre Hiiraale, IGAD iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdi Shire ayaa sheegay in markii Hiiraale laga keenay Goobweyn ay arinta noqotay mid weji cusub dhashay, islamarkaana qaar ka mid ah ciidamadii Barre ee La geeyay Kismaayo hubkiina laga dhigay, qaarkoodna uu sheegay in meydadkooda Kismaayo laga dhex helay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay in dowladda iyo IGAD Xilligaan looga baahan yahay in ay meel mariyaan Afartii qodob ee lagu heshiiyay, hadii kalena waxa uu tilmaamay in caalamka ay la socodsiin doonaan wax walba oo dhacay.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga siyaasigaan.