U bood dhigaalka

Golaha Shacabka: Jawaari Oo Guddoomiyay Kulan Looga Hadlayey Ajendaha Kulanka Soo Socda

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shir guddoomiyay kulanka 29aad ee guddiga joogtada ah ee golaha shacabka.

Kulankan waxaa xoogga lagu saaray ajendayaashii la hordhigi lahaa Xildhibaannada golaha shacabka kulan ugu soo horeeyay.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in waxyaabaha la isku af-gartay in kulanka soo socda lagu daro ay ka mid yihiin, arrinta dhismaha Kenya ka waddo Balad-xaawo.

Xildhibaannada golaha shacabka ee “Badbaado” la baxay ayaa xalay qoraal ay soo waareen guddoomiye Jawaari ku wargeliyay in uu maanta qabto kulankan.

Golaha shacabka, waxaa ka jira khilaaf adag iyada oo lagu guul-dareystay dhammaan xalkii iyo isku-deygii ay sameeyeen golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa hey’adda keliya ee isku xil-qaantay dhex-dhexaadinta iyo xal u raadinta khilaafka golaha shacabka.

Goobjoog News