U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Xubnaha Dib-u Eegista Dastuurka

Sheeko:Amniga

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya ayaa maanta ansixiyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo la socodka dastuurka, waxaana ogolaatay 143-Xildhibaan oo ah tirada koormaku uu ku furmay.

Shantaan Xubnood ayaa waxaa horay usoo gudbisay wasaaradda cadaaladda iyo Dastuurka, waxaana golaha u mahadceliyay Wasiirka cadaaladda  Xasan Macalin, xubnahaan ayaa waxaa ay dib u eegis iyo wax kabedel ku sameyn doonaan Dastuurka ku meel-gaarka ah.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay meel mariyay hindisayaal dhowr ah, kuwaas oo ay soo gudbiyeen wasaaraddo kale duwan, waxaana ugu dambeeyay sharciga nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka oo hey’adda NISA yeelatay.

Goobjoog News