U bood dhigaalka

Golaha shacabka oo Ansixiyey Gudiyada La Dagaalanka Musuq-maasuqa iyo Adeegga Garsoorka

Sheeko:Amniga

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta u ansixiyey  si aqlabiyad ah xubnaha Guddiyada La Dagaalanka Musuq-maasuqa iyo Adeegga Garsoorka.

Sida wararku sheegayaan, codeynta kadib wasiirka Cadaaladda Iyo Garsoorka Mudane Cabduqladir Maxamed Jaamac ayaa u mahadceliyey golaha.

Labadab Gole, ayaa waxaa ka dhashay muran badan, waxaana hadda loo gudbiyey aqalka sare oo ay dhici karto iney muddo qaadato.

Goobjoog News