Golaha Shacabka oo Ansixiyey Sharciga Batroolka
Sheeko:Dalka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulankoodii 16aad kal-fadhigiisa 5aad ku yeesheen Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada Gollaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Ayaa Cod Aqlabiyad Leh Ku Ansixiyay Sharciga Batroolka.
Kulankan Ayaa waxaa kasoo qeyb galay 154 Mudane, waxana u codeyey 150 xubnood halka in uu ansax yahay Sharciga Batroolka, Halka 4 xildhibaan ay diideen
Sharcigan la ansixiyey waxaa horay uga soo hor-jeestay dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah iyaga oo dalbaday in dib loo soo celiyo.
Goobjoog News