U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Dhageysanayo Khudbadaha Musharixiinta Maalintii Labaad

Sheeko:Amniga

Xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa maanta markale dhageysanaya khudbadaha musharixiinta guddoonka golaha shacabka.

Khudbadaha musharixiinta u sharaxan guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo kan labaad ee golaha shacabka baarlamaanka 11-aad.

Xildhibaannada ayaa falay loo diray farrimo ku aaddan in ay soo xaadiraan kulanka maanta oo Axad ah dhacaya si loo dhageysto khudbadaha musharixiinta.

“Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa maalinta berito ah leh kulan, Agendaha kulanka ayaa ah
1. Hadal jeedinta murashaxiinta u tartamaya Xafiiska Guddoomiye Xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Shacabka,
Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa, Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo”, ayaa lgu yiri qoraal loo diray xildhibaannada golaha shacabka.
Illa iyo 17 musharax ayaa u tartamaya kuraasta guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha shacabka BJFS.
Hoos ka akhriso magacyada musharixiinta khudbadaha maanta jeedinaya