U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Diiday Doorasho Lagu Noqonayo, Soona Bandhigay 6 Sabab Oo Xubinnimada Lagu Waayi Karo

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka ayaa kulankiisa maanta go’aamiyay in natiijada doorashada 275-ta 2016-ka ay xalaal iyo kama dambeys tahay, isla markaana aan dib loogu celin doonin.

Codbixin qaraar loogu codeeyay sugidda xubinnimada iyo qaabka lagu waayo kursiga golaha waxaa ogaaday 180 Xildhibaan halka 4 ay ma aamuseen.

Golaha waxaa uu sidoo kale ka hadlay in sababta keliya ee doorashada loogu celin karo ay tahay 6-da qodob.

  1. Xubinta oo Geeriyoota.
  2. Xubinta oo ay la soo gudboonaato xaalad xilgudasho la’aaneed joogta ah.
  3. Xubinta oo istaqaalad u gubdisa aqalka ay xubinta ka tahay, laguna ogolaado.
  4. Ka-maqnaashiyo labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aaney jirin sabab maangal ah.
  5. Haddii ay xubinta aqbasho xil dowladeed aan wasiir aheyn.
  6. Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaadinnimo, sida ku cad sharciga.

Goobjoog News