U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Farmaajo Laba Sano Ugu Daray

Sheeko:Amniga

Golaha Shacab oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa cod gacantaag ah ku ansixiyay Qaraarka cusub ee doorashooyinka .

Qaraarkan ayaa dhigaya in dalka laga qabto doorasho Qof iyo Cod ah , iyadoo muddo laba sano ah loogu daray hay’adaha Dowladda si dalka doorashadaas uga qabtaan .

Inta badan xildhibaanada ayaa cod Aqlabiyad ah ugu gacan taagay , iyadoo in ka badan 140 Mudane ay ansixiyeen Xeerka .

Doorashooyinka ay baarlamaanka meel mariyeen ayaa waxa Qaban doona Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka dalka .