U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Ka Hadli Doona Go’aankii Xukuumadda Ee Qalbi Dhagax

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay ka doodaan go’aankii golaha wasiirada ay ka qaateen C/kariin Qalbi Dhagax oo xukuumaddu ku tilmaantay inuu yahay argagixiso.

Todobaadkii hore Golaha wasiirada ayaa si cad u shegay in Qalbi Dhagax uu taageerayey Al-shabaab, sidoo kalena falal amni daro ka waday gudaha dalka.

Kulanka ay maanta yeelan doonan Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa laga sugi doonana natiijada kasoo baxda, iyadoo dad badan ay u dhaga tagayaan waxa ay ka dhahaan xildhibaannada go’aankii xukuumadda.

Waxaa jirey xildhibaanno kasoo horjeestay go’aankii Qalbi Dhagax, kuna tilmaamay qala ay xukuumadda sameysay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News