Golaha Shacabka Oo Maanta Su’aallo Weydiinaya Madaxda Laamaha Ammaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabtio ah waxaa la filayaa in kulan ay ku yeeshaan xaruntooda Muqdisho.

Kulanka maanta ayaa ah mid lagu doonayo in su’aallo lagu weydiiyo madaxda laamaha ammaanka, maadaama Arbacdii lasoo dhaafay loo yeeray wasiirada amniga, difaaca iyo taliyeyaasha Booliiska, xoogga dalka iyo NISA.

Waxaa xubnahan loo yeeray la weydiin doonaa xaaladda guud ee ammaanka dalka, gaar ahaan amniga Muqdisho oo faraha ka baxay.

Sidoo kale, xildhibaanada ayaa waxay weydiin doonaan mas’uuliyiintan cadaadiska ay la kulmayaan shacabka Muqdisho maadaama iyadoo qaraxyo ay dhacayaan hadana waddooyinka laga xirtay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply to cialis generic name Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW