U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Meelmariyey Sharciga Isgaarsiinta

Sheeko:Dalka

Kulan ay xildhibaannada golaha shacabka ku leeyihiin xaruntooda Muqdisho ayaa waxay ku meelmariyeen sharciga Isgaarsiinta dalka.

Kulan waxaa shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, waxaana soo xaadirey 159 mudane.

Sharciga ayaa maanta galay akhrintiisii Seddexaad, waxaana akhrin kadib loo qaaday cod gacan taag ay, iyadoo ay meelmariyeen 158 mudane, halka uu 1 xildhibaan diiday.

Wasiirka Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdi Canshuur ayaa u mahadceliyey xildhibaannada golaha shacabka.

Goobjoog News