U bood dhigaalka

Golaha Wadatashiga Qaran oo meel mariyay Awoodaha hay’adaha dowladda

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka golaha wadatashiga qaranka oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada.

Shirkan waxaa shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo  qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Kulanka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed aad u dheer, kaas oo si faahfaahsan loogu cadeeyay Awoodaha hay’adaha kala duwan ee dowladda Faderaalka,Dowladgobaleedyada, Garsoorka, Dhaqaalaha, Amniga, Jinsiyadaha, Waxbarashada, kaabayaasha kala duwan ee dowladda.
 Madaxda ayaa isla garatay in si loo maareeyo isku dhacyada soo noqnoqda ee hay’adaha dowladda, xal loo keeno si ay meesha uga baqaan isqabqabsiga saddexda heer ee dowladda.
War-muurtiyeedka ka soo baxay shirka ayaa lagu soo bandhigay inta ay la egtahay awoodda dowladda faderaalka, tan dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe iyo awoodda hay’adda fulinta.
Golaha ayaa si wadajir ah u saxiixay shan qodob kuwaas oo kala ah ;
1: Hanaanka Faderaalaynta Garsoorka.
2: Astaynta heerarka dowladda
3: Sugidda Amniga iyo ladagaalanka Argagixisada
4:Dimuqoraadiyeenta iyo doorashooyinka
5: Dhacdooyinkii ka dhacay Baydhabo
Qodobadaan ayaa dhammaan ay qalinka ku duugeen madaxda, marka laga reebo Puntland oo laba kamid ah shanta qodob ka gaabsatay.

HANNAANKA FADERAALAYNTA GARSOORKA

Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu saxiixay heshiis siyaasadeedka Hannaanka Fedaraalaynta Garsoorka iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka.

ASTAYNTA AWOODAHA HEERARKA DOWLADDA

Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah.

SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA

Golaha Wada-tashiga Qaran waxaa uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta. 

Goluhu waxaa uu si gaar ah u bogaadinayaa shacabka iyo Dawladaha Hirshabelle iyo Galmudug oo guulo waaweyn kasoo hoyay la dagaalanka khawaarijta.

Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadinayaa dadaalada iyo diyaargarowga ka socda Dawladaha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee ku aaddan la dagaalanka Khawaarijta.

Goluhu wuxuu mar kale isla qaatay in ciribtirka kooxaha khawaarijta la dardargeliyo, la iskuna dubarido dadaallada kala duwan ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.

Goluhu wuxuu isla-qaatay in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya dhammaystirka heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017, kahor 10 Janaayo 2023, si shirka  xiga ee Golaha Wadatashiga Qaran uu guddigaasi ugu soo gudbiyo talooyin iyo warbixin dhammaystiran.

DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA

Goluhu wuxuu isla qaatay in u magacaabo guddi farsamo kahor 10 Janaayo 2023, si guddigaas uu u soo diyaariyo talooyin la xiriira sidii dalka looga dhaqan-gelin lahaa doorashooyin hal-beeg caalami leh.

DHACDADII BAYDHABO EE DAWLADDA KOONFUR GALBEED

Goluhu wuxuu ka tacsiyadeynayaa kana xun yahay dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacdey magaalada Baydhabo taariikhdu markay ahayd 23-ka Diseember 2022.

Goluhu wuxuu adkeynayaa in la ilaaliyo sareynta sharciga, kala danbeynta iyo nidaamka dawladnimada. 

Goluhu wuxuu sidoo kale adkeynayaa in la ilaaliyo xuquuqda dastuuriga ee muwaadinka Soomaaliyeed iyo xoriyaddiisa.

Goluhu wuxuu ku baaqayaa in lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah ee jira shirka loo madlan yahay 5ta bisha Janaayo oo ay si wadajir ah ugu baaqeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed.

Hoos kala dag war-murtiyeedka iyo Astaynta awoodaha dowladda heerarkeeda kala duwan.

Final Heshiiska Hannaanka Garsoorka 28.12.22 Final Draft

Final Version Astaynta Awoodaha

Goobjoog News