U bood dhigaalka

Golaha Wadatashiga oo Sheegay in Doorashada laguu Afjaro Kahor 25-ka February

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow lasoo saaray war-murtiyeedka shirka golaha wadatashiga qaran, oo lagu xusay in awood la siiyo odeyaasha dhaqanka, laga shaqeeyo hufnaanta Hannaanka doorashada, in ergada la daayo khidmada, in AMISOM sugto amniga Villa Somalia iyo doorashada lasoo gabagabeeyo inta u dhaxeysa 15-ka bisha ilaa 25-ka February 2022-ka

Qodobada ugu muhiimsan ayaa ahaa:

In la shaaciyo magacyada guddiga xulaya eegada oo ka kooban odeyaasha rasmiga ah iyo bulshada rayidka

Xulista ergada waxaa u madaxbabnaan odeyaasha, cuqaasha iyo bulshada rayidka ah ee beesha

Ergada lagama hor istaagi karo la kulanka musharaxa

Doorashada waa in ay korjoogto ka ahaadaan guddiga xulaya, warbaahinta iyo hey’ado kale

Waa in guddiyada ay hubiyaan in musharaxiinta mareen hab-raacyada

Musharaxa buuxiya shuruudda lagama hor istaagi karo

Musharaxiinta waa iney fursad u helaan doorashada

Ergada waxaa laga dhaafay Kharashka bixin wax lagu sheegay khidmo

AMISOM iney xoojiso amniga Villada

In Doorashada golaha shacabka in lasoo gabageeyo inta u dhaxeysa 15-ka Janaayo ilaa 25-ka February 2022-ka