U bood dhigaalka

Golaha Wadatashiga Qaranka Oo Warbixin Ka Dhageeystay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan dhanka fogaan aragga ah la qaatay madxweynayaasha dowlad gobaleedyada dalka.

Rooble ayaa golaha wadatashiga qaranka kala hadlay xaaladihi u dambeyay ee doorashooyinka dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale madaxda kala hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa doorashooyinka Golaha Shacabka.

Dhanka kale kulankan ayaa waxaa warbixin looga dhageeystay guddiga doorashooyinka heer federaal.

Guddiga ayaana shirka ku soo bandhigay waxyaabihii uga hirgalay qorshahooda doorashada.

Goobjoog News