U bood dhigaalka

Golaha wakiilada Somaliland oo maanta ansixin doona gudiga doorashada maamulkaasi

Sheeko:Dalka

somalilandGolaha wakiilada maamulka Somaliland ayaa maanta la filayaa in ay ansixiyaan gudiga doorashada maamulkaasi, kuwaa oo dhawaan lasoo magacaabay.

Buuqii hareeyay golahaasi ayaa sababay in ay dib u dhacaan ansixinta xubnahaan, oo la filayay in xilli hore ay ansixiyaan, hase ahaatee shalay ayaa xildhibaanada loo qeybiyay mudanayaasha ajandaha ah in la ansixinayo maanta gudiga doorashada Somaliland.

Xubanahaan la doonayo in la ansixiyo waxa ay ka kooban yihiin 7-xubnood, waxaana Sedax ka mid ah soo magacaabay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxmed Siilaanyo, Laba waxaa soo magacaabay xisbiyada Mucaaridka ah, halka kuwa kale dhanka golaha guurtida laga soo magacaabay.

Somaliland ayaa looga diyaar garoobayaa doorasho ka dhacda, in kastoo laga digayo in maamulka Siilaanyo ku darsado waqti dheeraad ah.

Goobjoog News