U bood dhigaalka

Golaha Wakiilada Somaliland oo Markii Ugu Horreysay Loo gudbiyay Hindise Sharciyeedyo Ka Yimid Dhanka Dadweynaha

Sheeko:Baarlamaanka

Urur ay ku mideysan yihiin dhallinyaro aqoonyahanna ah oo la yiraahdo Guubaabo fadhigiisuna yahay magaalada Hargeysa ayaa waxay golaha wakiillada Somaliland horgeeyeen 3 xeer oo ay ka codsanayaan in la meel mariyo, kuwaas oo ay u soo codeeyeen in ka badan 5000 oo dhallinyaro Somaliland ah.

Hindise sharciyeedkan loo soo gudbiyay baarlamaanka ayaa ah kuwo taabanaya dhaqanka, olalaha doorashada iyo aasaasidda Guddi Qaran oo la dagaalama qabyaaladda & xoojinta qaranimada, iyadoo xeerarkan lagu wareejiyay xoghayaha guud ee golaha wakiilada Somaliland.

Maxamuud Jaamac Cabdi oo ka tirsan ururada dhallinyarada ee soo abaabulay shuruucdan ayaa ka hadlay Guubaabo waxa uu yahaya:

” Ururka waddaniga ah ee Guubaabo waa dad aqoonyahanno ah oo isku tagay oo iskood isku xilqaamay howsha la dagaalanka qabyaaladda, qabyaaladda waa mid halis ina gelinaysa inaan dib u noqonno, qaranimada iyo qabiilkuna meel kaliya ma wada galaan”.

“Waxaan aragnay inaan qabyaaladdu ku dhimaneyn in la caayo in wax laga sheego, inaan heeso iyo ruwaayado u sameyno, waxay ku dhimaneysaa in la abuuro wixii bedeli lahaa, in meesha la keeno nidaamkii meesha ka saari lahaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maxamed Jaamac waxa uu ka hadlay waxay qabyaaladda ku bedelayaan:

“Nidaamkii meesha ka saari lahaa waa saddex xeer, waxay kala yihiin; Xeerka dhaqanka, Xeerka ololaha doorashooyinka,  Xeerka Commissionka Qaranka ee la dagaalanka qabyaaladda iyo xoojinta qaranimada”.

Saddexdaa xeer ayaan awoodeenna iskugu geynay, sadexdaa xeer ayaa ra’yi uruurinta ku sameynay oo aan dadweynaha ka dhaadhicinnay waana nalagu taageeray, ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Dhanka kale, xoghayaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa sheegay:

” Aadbaan uga mahad celinaynaa ciddii ka soo shaqeysay, waana meelaha loo baahan yahay, dastuurkana u baneeyay iney soo diyaarin karaan mashruuc sharci oo aan ahayn kan maaliyadda”.

Ugu dambeyn, Dastuurka Somaliland ayaa waxaa ku qoran in shuruucda ay abuuri karaan 5000 oo dadweyne ah, waa markii ugu horreysay ee sharciga uu ka abuurmayo bulshada dhexdeeda, iyadoo aan la ogeyn qaabka ay uga jawaab celin doonaan golaha wakiilada oo saddexdan hindise sharciyeed la hor geyn doono.

Goobjoog News