U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Arrimaha Gudaha Carabta Oo Xisbullahi u Aqoonsaday Urur Argigixiso Ah

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirada arrimaha gudaha Carabta oo Xisbulahi u aqoonsaday urur Argigixiso ah, arrintan ayaa timid saacado uun markii arbacadii golaha Khaliijka sidoo kale Xisbulahi u aqoonsadeen urur argagixiso ah.

Golaha wasiirada arrimaha gudaha oo kulan ku yeeshay Tunis ayaa ku cambaareeyay ururka sida ay u qasayaan nabadgelyada gobolka.

Ururka Xisbulahi waxaa uu ka tirsan yahay ururada ka jira dalka Lubnaan, waxaa uu kaalin ku leeyahay dagaalka ka socda Suuriya.

Dhaq-dhaqaaqa Jihaad ee Falastiin ayaa cambaareeyay go’aanka Carabta iyagoo ku tilmaamay in ay gobolka hurinayaan.

Xogyaha guud ee Xisbulahi Xasan Nasralaahi waxaa uu ku eedeeyay Sacuudiga in ay hurinayaan fitno ka dhex dhalata Sunnada iyo Shiicada Musliimiinta ah.

Bishii February, Dalka Sacuudiga waxaa uu joojiyay kaalmo uu siin jiray Ciidanka Lubnaan taas oo gaareysa ilaa 3 Bilyan, Laakiin waxaa uu sheegay Nasralahi in kaalmadaas ay istaajiyeen Sacuudiga markii uu dhintay boqor Cabdulahi.

Goobjoog News