U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ansixiyay hindisa sharciyeedka lagu dhisayo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Hirshabeelle

Sheeko:Amniga

Dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa ansixisay hindisa sharciyeedka lagu dhisayo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Hirshabeelle.

Kulan ay yeesheen golaha wasiirada dowlad gobaleedka Hirshabeelle oo uu shirguddoominayay madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabeelle ay soo gudbisay hindisa sharciyeedka lagu dhisayo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka.

Golaha wasiirada Hirshabeelle ayaa dood dheer kadib meel mariyay hindisaha dhismaha guddiga madax banaan ee doorashooyinka Hirshabeelle.

Dhinaca kale wasiirka amniga dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa uu soo bandhigay hawlgallada ka socda gobalada maamulka ee ka dhanka ah ururka alshabaab.

Golaha wasiirada ayaa la siiyay warbixin ku saabsan halka ay marayaan hawlgallada alshabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin maamulka Hirshabeelle.

Xukuumadda Hirshabeelle ayaa sidoo kale cod aqlabiyad leh ku ansixiyay  Macadka Tababarada shaqaalaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Goobjoog News