U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Sharciga Duulista iyo Hawada

Sheeko:Dalka

Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga duulista iyo hawada, iyada oogolaha la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo harciga nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta.

“Shirka Golaha wasiirada waxaa lagu ansixiyay sharciga duulista iyo hawada, waxaana sidoo kale la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka” ayuu yiri Ku-simaha wasiirka warfaafinta iyo dalxiiska XFS, C/Raxmaan Iidaan Yoonis oo ka war bixiyay Shirka golaha Wasiira.

Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa waxa uu sheegay in qorshihii deyn cafinta uu marayo meel wanaagsan guulna uu kusoo dhamaaday SMP2 laguna amaanay dawladda Federaalka Soomaaliya meesha ay soo gaartay isaga oo xusay in loo gudbay SMP3, shuruudaha la doonayo in lasoo buuxiyana ay kamid yihiin kor u qaadidda dakhliga dawladda, in deyma kale aysan gelin Dawladdu iyo in bixininta Mushaaraadka Ciidanka loo isticmaalo Biometric system.

Goobjoog News