U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada oo Bilaabay Isla Xisaabtan Dhexdooda ah

Sheeko:Dalka

Xili uu baarlamaanka federaalka wado la xisaabtanka golaha wasiirada oo wasiirada qaarkood wax laga weeydiinayo waxqabadkooda, ayaa golaha wasiirada waxa ay bilaabeen isla xisaabtan dhexdooda ah.

Kulan ay yeesheen oo uu shir guddoominayay Ra’isulwasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa looga hadlay waxqabadka xukuumadda tan iyo intii la dhisey.

Ra’isulwasaare ku xigeenka ayaa maalmahan waday hawlo uu ku kormeerayo wasaaradaha oo dhan, indhihiisana kusoo arkayay qaabka ay u shaqeeyaan iyo hawlaha ay qabtaan, wuxuuna shirka golaha wasiiradda la wadaagayaa waxyaabihii uu soo arkay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhankiisa wada la xisaabtan wasiirada qaarkood, gaar ahaan wasiirka maaliyadda maadaamaa dhawr bilood aysan ciidamada iyo shaqaalaha dowladda qaadanin wax mushaaraad ah.

Arrimaha waxqabadka xukuumadda ugu muhiimsan ayaa waxaa kale oo ka mid ah amniga oo baryahan dambe lasoo sheegayo habacsanaan iyo ciidamo meelaha qaarkood kasoo baxay.

Goobjoog News